Safaaradda Marayanka ee Turkiga oo la xabadeeyay & booliiska oo ka hadlay! + Sawirro

0

(Ankara) 20 Agoosto 2018 – Dhowr xabadood oo laga soo ridey gaari ayaa lagu ridey safaaradda ay Maraykanku ku leeyihiin caasimadda Turkiga ee Ankara, kuwaasoo ku dhacay kabbiinka amaanka, balse waa waxyeello nafeed gaysanin marka laga soo tago muraayado jajabay.

Weerarkan ayaa yimi jeer uu sii fogaanaya muranka diblomaasiyadeed ee Ankara iyo Washington oo mid dhaqaale u xuub siibtey, kaddib markii ay Turkigu diideen inay sii daayaan wadaad Masiixi ah oo Maraykan ah oo ku eedaysan inuu ku lug lahaa af-gembigii 2016-kii.

Booliisja ayaa sheegay in uu gaari cadi meesha soo maray kaddibna uu ilaa 5 xabadood u ridey dhanka safaaradda, deetana uu baxsaday iyagoo sheegay inay ku raad joogaan cidda weerarka soo qaadday, oo aan la ogayn inay yihiin Turki ama cid kale oo Turkiga ku xumaynaysa.

Safaaradda Maraykanka ayaa lagu wadey in todobaadkan loo xiro munaasabadda Ciidul Adxa.

Hadalsame Media