DAAWO: 14-jir isu soo taagey xilka barasaabka gobol ka tirsan Maraykanka + Sawirro

0

(Vermont) 20 Agoosto 2018 – Wiil yar oo14-jir ah oo la yiraahdo, Ethan Sonneborn ayaa u taagan doorashada barasaabka gobolka yar ee Vermont, ee woqooyi bari Maraykanka.

Wiilkan yar oo ka socda dhanka xisbiga Dimoqraadiga ayaa ku qoran warqadda codaynta ee doorasho horaadka Vermont, waxayna isaga iyo ragga kale ee isla xisbigaa ka socdaa la hardamayaan ninkan haatan xilka haya ee Gov. Phil Scott oo Jamhuuri ah.

Vermont, oo barasaabkeeda la doorto labadii sanaba mar, ma laha dad xaddidaysa qofka isu taagi kara xilkaasi, waxa qura ee laga doonayaa waa inuu qofka xilka barasaabka isu soo taagayaa uu gobolkaa ku noolaa 4-tii sano ee ugu dambeeyay.

Sonneborn oo u warramaya hilinka CBS News ayaa sheegay in sababta arrintan ku xambaartay ay tahay rabshadihii cunsuriyadeed ee sanadkii tegey ka dhacay  magaalada Charlottesville, ee gobolka Virginia, iyo sidoo kale toogashooyinka ka dhaca iskuullada iwm, isagoo sheegay inuu yahay hoggaan adag oo midayn kara dalka Maraykanka.

Hadalsame Media