”Afar dal ayaa doorashadeenna faragelin doona” – Maraykanka oo kaddib Ruushka walaac ka muujiyay inay dalal kale usoo shaqa tagaan doorashadiisa!!

0

Doorasho dhexaadka soo socota ee Maraykanka ee badanaa lagu soo doorto labada aqal ee Maraykanka ee dhacaysa sanadkan ayaa sida la yiri waxaa bartilmaameedsan doona dalalka Russia, China, North Korea, iyo Iran, sida uu ka digayo La taliyaha Amaanka Qaranka Maraykanka John Bolton oo ah nin lagu xanto naar afuufnimo, isagoo aan keenin wax marqaati ah.

“Waxaan si qeexan u sheegi in walaac dhanka amaanka qaran ah aannu ka wajihi karno dalalkaasi afarta oo doonanaya inay doorashadeenna gacmeeyaan,” ayuu Bolton u sheegay Martha Raddatz, oo wax ka wadda barnaamijka ABC ee This Week.

“Ma doonayo inaan galo – wixii aan arkay ama aanan arkin, balse waxaan idiin sheegayaa in aannu ka walaacsan nahay afartaa dal oo doonaya inay dhex boodaan doorashada 2018,” ayuu Bolton ku dooday mar la waydiiyay inuu uun iska raacayo warar ku tiri ku teen ah iyo inuu xog hayo.

 

Hadalsame Media