DEG DEG: Laba ‘weerar’ oo ka dhacay laba magaalo oo Spain ku yaalla + Sawirro

0

(Barcelona) 20 Agoosto 2018 – 3 qofood ayaa ku dhaawacantay kaddib markii uu gaari dardaray dadkii marshabiyeediga marayay magaalada Casetas, ee woqooyi galbeed Spain. Gaariga ayaa la sheegay inuu meesha ka baxsaday, sida ay warbaahintu ku sheegayso war hadda soo dhacaya, waloow aan la cadaynin shil iyo weerar wixii uu ahaa.

Dhanka kale, nin middi ku hubaysan oo sida la yiri ku qaylinaya “Allahu Akbar” ayaa la toogtey kaddib markii uu weeraray booliiska Barcelona.

Booliiska gobolka Catalonia ayaa sheegay in ninkani isku dayay inuu soo galo saldhigga booliiska Cornella isaoo ujeedkiisu “yahay inuu weeraro” waxaana lagu toogtey isla goobta.

Waxaa la sheegay in uu deegaan ahaan degan yahay magaaladaasi balse asalkiisa yahay Aljeeriyaan 29-jir ahaa oo ku noolaa xaafadda Cornella isagoo haystay dokumentiyo Spanish ah, sida ay sheegtay RTVE.

Hadalsame Media