DHADHANSO DHIGAALKAN: Ma dhiman tahay mise dhamays baad tahay?

0

(Hadalsame) 20 Agoosto 2018 – Ina Xagaa Dheere nin la oran jirey ayaa la sheegay in Ingiriisku raadinayeen oo markaa sawir gacmeed isaga u eg la sameeyey laguna dhejiyey gidaarada Hargeysa. habeen uu magaalada soo galay, ayaa loo sheegay in wax isaga u eg oo ‘sawir’ la yiraahdo Ingiriisku ku dhejiyeen gidaarada.

Markuu arkay wixii isaga u ekaa ayuu yiri “Nimanyohow maalmahanba in aanan caadi ahayn waan dareemayey. Shoow nin sawiran baaban ahaa”. Inuu malaha dhiman yahay oo qaarkiis gidaarada Hargeysa yaal ayaa dareenka uu sheegayo ku kiciyey.

Marka la magacaabo madaxweyne, xubno baarlamaan ama wasiiro oo mid aad qaraabo tihiin ka weydo, waxaad u qaadataa inaad dhiman tahay. Marka kulligood idinka noqdaan ayaad malaha dareemaysaa inaad tahay dhammays.

Nin Soomaaliyeed oo 30 jir ah oo aan weligiis shaqayn ayaa tegey London. Meel ayuu u doontay shaqo. Waxaa la weydiiyey su’aalo aan weligii la weydiin sida “Maxaad baratay?, Goormaad dhalatay? Dembi hore ma gashay? Mustaqbalka maxaad jeceshahay inaad noqoto?” Iyo kuwo kale. Intaas waxaa dheeraa, wixii uu ku jawaaboba waxaa lagu qoray waraaqo midab leh oo la yiraahdo ‘application form’.

Wuxuu malaha dareemayey in qayb jirkiisii ka mid ah lagu wareejinayo warqadda .

Maalin dambe ayaa la yiri shaqadii waa lagaa eryey ee iska tag. Wuxuu yiri “waayahaye, is siiya warqadii aad iga qorteen”. Warqadda shirkadda ayaa leh ayaa loogu jawaabay. Markii hadalkii dheeraaday oo uu arkay inaan wax loo soo wadin ayuu abbaaray meeshii warqadda la geliyey oo xoog kula soo baxay. Malaha wuxuu is lahaa haddaad meesha ka tegeyso ha kala harin, oo xoogaagii warqadda kaa galay sii qaado. (Sheekadan ninkii sidaas yeelay ayaa ii sheegay).

Malaha waxaa la joogaa waqtigii naloo sheegi lahaa in aan nahay hal qof oo aan kala dhambalmin. Siyaasaddana ninkii gala keligii uu galay ee aadan adigu kula jirin. Taas waxaa ku yarraan lahaa hiilada aan u hiillinayno ama u dhimanayno qof aan magaciisa uun maqalnay laakiin isagu aan na aqoon. Adigu waxaa tahay qofka makhaayadda fadhiya, gurigiisii jooga ama hadda akhrinaya qoraalkan.

Ma ahid qofka aad is moodday. Waad dhan tahay.

W; Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media