DAAWO: Arrin ugub ah oo argagax leh oo la sheegay inay ka bilaabatay Burco

0

(Burco) 20 Agoosto 2018 – Caaqil Xersi Xuseen Faarax oo ka mid ah caaqillada degmada Burco ee caasimadda gobolka Togdheer, ayaa Somaliland u diray qayla dhaan ku aaddan sheeko argagax leh oo halkaasi kusoo korortay.

Caaqilka iyo dadkii kale ee saxaafadda la hadlay ayaa iskaga marqaati kacay wax ay ku sheegeen sixir iyo saan gudub ay sheegeen inuu halkaasi ka bilowday, kaasoo qofka la rakaataynayo, lacago baad ahna laga qaadayo, haddii uu isku dayo inuu is difaacana loogu hanjabayo in la fali doono ilaa uu ka geeriyoodo.

Waxay sheegeen in qaabkaa rakaatada ah muddo dheer lagu hayay marxuum la yiraahdo Xuseen Maxamed Nuux (AUN) oo markii dambe u geeriyoodey tacaddiga lagula kacay. Nimankani ma carrabaabin cid gaar ah, balse waxaa warkooda ka dhadhamaysa in ay dad maxalli ihi sixirka barteen kaddibna isu adeegsadeen.

Hoos ka DAAWO muuqaalka:

Hadalsame Media