RASMI: 10-ka laacib ee iskugu soo haray abaalmarinta Laacibka Yurub (Ka bogo abaalmarrinada kale ee la bixinayo)

0

(Nyon) 20 Agoosto 2018 – Luka Modrić, Cristiano Ronaldo iyo Mohamed Salah ayaa noqday seddexda magac ee haatan iskugu soo haray u tartamayaasha Laacibkii ugu fiicnaa fasal-ciyaareedkii tegey ee 2017/18 UEFA Men’s Player of the Year.

Guulaystaha ayaa looga dhawaaqi doonaa – iyadoo uu dabcan wehlinayo midka Gabadha ugu fiicnayd ee UEFA Women’s Player of the Year iyo boosaska UEFA Champions League – xaflad lagu qaban doono Monaco, Khamiis 30-ka Agoosto.

Xiddiggii ugu fiicnaa UEFA Europa League ee fasalkii tegey ayaa isna la magacaabi doonaa maalinta xigta.

INTA KA HARSAN 10-KA LAACIB EE SARE

4 Antoine Griezmann (Atlético & France) – 72 dhibcood
5 Lionel Messi (Barcelona & Argentina) – 55 dhibcood
6 Kylian Mbappé (Paris & France) – 43 dhibcood
7 Kevin De Bruyne (Manchester City & Belgium) – 28 dhibcood
8 Raphaël Varane (Real Madrid & France) – 23 dhibcood
9 Eden Hazard (Chelsea & Belgium) – 15 dhibcood
10 Sergio Ramos (Real Madrid & Spain) – 12 dhibcood

BOOSASKA KALE EE ABAALMARINNADA LAGU BIXINAYO

Goolwalaha ugu fiicnaa: Alisson Becker, Gianluigi Buffon, Keylor Navas
Daafacii ugu fiicnaa: Marcelo, Sergio Ramos, Raphaël Varane
Khadkii dhexe ugu fiicnaa: Kevin De Bruyne, Toni Kroos, Luka Modrić
Weerarkii ugu fiicnaa: Lionel Messi, Cristiano Ronaldo, Mohamed Salah
Gabadhii ugu fiicnayd: Pernille Harder, Ada Hegerberg, Amandine Henry
Laacibkii ugu fiicnaa Europa League: Diego Godín, Antoine Griezmann, Dimitri Payet

Hadalsame Media