Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo is casilay

0

(Mogadishu) 19 Agoosto 2018 – Cabdulqaadir Gaafoow Maxamuud ayaa ku dhawaaqay inuu isaga tagay xil xildhibaanimo ee dowladda Federalka Soonaaliya uu ka hayey.

Ma uusan sheegin sababta uu isku casilay hase ahaatee waa Xildhibaankii ugu horeeyey ee iski uga taga shaqada Xildhibaanimo ee dowladda dhexe.

C/qaadir Gaafow Maxamuud ayaa kursiga uu ku fadhiyey ee xildhibaanimo waxaa uu ka mid ahaa kuraastii doorashadooda shakiga la geliyay, waxaana wararku sheegayaan in kursigaas uu u tartami doono walaalkiis Taliyihii hore ee Nabadsugida Jen. C/llaahi Gaafow.

C/qaadir Gaafoow Maxamuud ayaa xildhibaan ahaa sanad iyo bar waxaana uu ka mid ahaa xildhibaanadii lagu soo doortay Magaaladda Cadaado ee gobolka Galaduud.

Guddoomiyeha guddiga doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil ayaa sheegtay in la buuxin doono Xildhibaankani.

Hadalsame Media