Wax badan ka ogow sida uu u shaqeeyo manhajka cusub ee waxbarashada Soomaaliya

0

(Mogadishu) 19 Agoosto 2018 – Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Nidaamka Waxbarashada dalka muddo kaddib iyadoo la dajiyey Manhaj dhamaan loo diray hay’addaha waxbarashada dalka.

Warbixinta dowladda gaar ahaan Wasaaradda Waxbarashada. Warbixintaan waxaa Warbaahinta u soo gudbiyey Agaasimaha Wasaaradda Waxbarashada Xasan Maxamed Cali.

1-Manhajka, dhamaan dugsiyadda waxaa lagu dhigayaa buugaagta cusub ee ku saleysan manhajkan qaran kuwaasoo dhawaan idin soo gaari doona gaar ahaan fasallada  hoose, koowaad iyo afraad oo ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada dalka.

2 – Wasaaradaha waxbarashada dowlad-goboleedyada dalka  ayaa qaadi doona imtixaanka shahaadiga ee fasalka sideedaad ee loogu gudbayo dugsiga dhexe, iyaga ayaana bixin doona shahaadada loogu gudbayo.

Imtixaanka  fasaladka afraad  waxaa qaadaya  wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka.

Shahaadada dugsiyada sare  waxaa laga qaadan doonaan xafiisyada wasaaradda ee dowlad goboleedyada iyo xafiiska imtixaanaadka  iyo shahaadooyinka oo ay ka heli doonaan ardayda gobolka Banaadir.

 3- Sannad dugsiyeedka xiligiisa

Dhamaan dugsiyada waxay gelayaan labo xili oo kala ah xiliga koowaad  wuxuu bilaaban doonaa bisha Agoosto Sabtiga ugu horreeya, wuxuuna dhamaan doonaa todobaadka saddexaad ee bisha  Diseembar ee sannad walba, sannad dugsiyeedka labaad, wuxuu bilaaban doonaan  Sabtiga ugu horreeya  ee bisha Jannaayo, wuxuuna dhamaan doona todobaadka ugu dambeeya ee bisha Maajo.

4 – Afafka lagu baranayo manhajka

  • Dugsiyada hoose dhexe waxay wax ku baran doonaan afka Soomaaliga.
  • Afka Carabiga waxaa maaddo ahaan  laga bilaabayaa  fasalka koowaad dugsiga hoose.
  • Afka Ingiriiska maado ahaan waxaa lagu bilaabaya fasaladka sadddexaad dugsiyada hoose.
  • Dugsiga sare waxaa wax lagu  baranayaan afafka Soomaaliga, Carabiga iyo ingiriiska iyadoo la raacayo manhajka qaranka.

5 – Fasaxyada sannad-dugsiyeedka waxaa la raacayaa shin-titiska ama kalandarka wasaaraddu ay soo saartay ee sannad dugsiyeedka.

  • Dugsiyada sare wuxuu qaadan doonaa 10 maaddo.
  • Dugsiga dhexe wuxuu qaadan  8 maaddo.
  • Dugsiga hoose wuxuu qaadan 8 maaddo.
  • Dugsiga sare wuxuu qaadan doonaa 10 bilood
  • Dugsiga dhexe  wuxuu qaadan doonaa 10 bilood.
  • Dugsiga hoose wuxuu qaadan doonaa  10 bilood.

Hadalsame Media