Maraykanka: Ilhaan Cumar, Hodan Xasan iyo Maxamuud Nuur oo guulaystay

0

(Mogadishu) 15 Agoosto 2018 – Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa ayaa guulo taariikhi ah ka gaaray doorashooyin muhiim ah oo ka dhacay dalkaasi xalay.

Ilhan Omar ayaa ka mid ah hablaha Soomaaliyeed ee guulaystay waxaana Ilhaan ku soo baxday kursigii uu banneeyay Ken Olson ee Congress -ka Mareykanka iyada oo ka ka tirsan xisbiga Dimuquraadiga.

Hodan Xasan oo ah gabar kale oo Soomaali ah ayaa ku soo baxday golaha Congress-ka gobolka Minnesota iyadoona Maxamuud Nuur oo ku guuleystay kursigii ay horey u baneysay Ilhaan Cumar.

Sadexdaan ruux ee Soomaalida ah hase ahaatee haysta dhalashada Maraykanka ayaa waxaa soo dhaweeyey  guushooda Soomaalida ku nool Maraykanka.

Waxaa loo arkaa fursad mihiim ah oo u soo hoyatay Soomaalida maadama ay cod ku yeelanayaan Hay’addaha sare ee dowladda Maraykanka.

Ilhaan Cumar waxaa ay codadkii la dhiibtay ka heshay 59,322 oo u dhiganta 48.1%

Hadalsame Media