Dagaallamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

0

(Mogadishu) 15 Agoosto 2018 –  Ugu yaraan afar dagaalyahan oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa lagu dilay dagaalo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ee koofurta Soomaaliya sida ay sheegeen saraakiil ciidan oo ka tirsan xooga dalka.

Saraakiishaan oo la hadlayey Idaacad maxali ah ku hadasha Afka Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ayaa sheegay in dagaalo ka dhacay Talaadadii shalay qeybo ka mid ah Jubbada Hoose lagu dilay afar dagaalame oo ka tirsan Shabaaab.

Waxaa sidoo kale la sheegay in lagu dhaawacay 7 kale, iyadoo aysan jirin ilo madaxbanaan oo xaqiijin kara sheegasahdaan.

Abaanduulaha qeybta 43Aad ee ciidanka xoogga dalka G/sare Maxamed Buule ayaa sheegay in howlgaladu ka dhaceen degaanada Araare iyo Muuse xaaji oo ka tirsan Jubabda hoose.

Hadalsame Media