HESHIIS DHACAY: AC Milan oo la heshiisey garabka Samu Castillejo + Video (Goorma ayuu iman karaa?)

0

(Milano) 13 Agoosto 2018 – Weriyaha Peppe di Stefano, ayaa intii uu socdey barnaamijka “Calciomercato – L’Originale”, ayaa tafaasiil dheeraad ah ka bixiyay wada xaajoodkii u dhexeeyay AC Milan iyo Villarreal ee khuseeynayay garab-weerarka Castillejo.


“AC Milan oo beddel u raadinaysa Suso iyo Calhanoglu, waxay bandhigtay dalab ku kacaya €18 milyan oo lagu daray Bacca, iyadoo Castillejo lagu qiimeeyay €25m”. ayuu yiri.

Milan ayaa laacibkan oo 23 jir ah, kusoo qaadanaysa amaah sharafeed ku kacaysa €3 ama €4 milyan oo euro, iyadoo deeto sanadkan xiga ku khasban inay bixiso 14, 13 milyan oo euro, waxaana laacibka lagu wadaa inuu berriba soo gaaro magaalada Milano, marka la dhameeyo tafaasiisha yar ee haray heshiiska.

Hadalsame Media