Jahaweer ka taagan markab sida Muhaajiriin ka kooban Soomaali iyo Ajaanib

0

(Mogadishu) 14 Agoosto 2018 – Markab sida ugu yaraan 150 tahriibayaal  ay Soomaali ka mid yihiin kuwaas oo laga soo badbaadiyey badweynta Mediterranean ayaa raadinaya meel uu ku xirto kadib markii ay iska diideen dalalka Talyaaniga iyo Malta inay qaabilaan qaxootigan cusub.

Markabkaan oo lagu magacaabo Aquarius ayaa laga soo badbaadiyey biyaha badda caalamiga ah jimcadii la soo dhaafey waxaana qeyb ka gaystay dowladda Liibiya waxaana Liibiya ay sidoo kale diidey in markaasi ku soo xirto dekaddaha dalkeeda.

Malta ayaa iyana diiday baaq kaga yimid markabkaan halka Talyaanigu dheha ka fureystay islamarkaana diiday inuu bixiyo wax jawaab ah waxaana sidaasi sheegay Hay’addaha qaabilsan bini’aadanimada oo ay ka mid yihiin kuwa aan xaduuda laheyn.

Waxay ugu baaqeen dowladdaha Yurub inay sahlaan dekaddo markabkaasi ku xiran karo, hase ahaatee lama oga sida ay dalalkaasi uga jawaabi doonaan baaqa loo diray.

Hadalsame Media