DAAWO: Dalka Iiraan oo soo bandhigay gantaalo baalistik ah oo ay iyadu samaysatay + Sawirro

0

(Tehraan) 13 Agoosto 2018 – Jeer ay xiisadi kala dhaxayso Maraykanka, ayay Iiraan dunida usoo bandhigtay jiilka cusub ee gantaalo baalistik ah oo ay iyadu farsamaysay, kuwaasoo ay sheegtay inay raadeerka ka dhuuntaan isla markaana ay si sax ah ugu dhici karaan bartilmaameed kasta oo lagu shiisho.

Gantaalkan cusub oo magaciisa la yiraahdo ‘Fatax’ oo la micne ah furasho ama qabsasho ayay masaafada uu gaari karaa u dhaxaysaa 300 ilaa 500km, sida uu sheegay Sarreeye Guuto Amir Hatami, oo ay soo xiganaysay Wakaaladda Wararka Tasnim.

“Sida aan u ballan qaaday qaranka Iiraan, wax dadaal ah lama hari doono si sare loogu qaado awoodda ay Iiraan u leedahay dhanka gantaalaha oo aannu kordhin doono maalin kasta,” ayuu Hatami ka sheegay xaflad hadaate lagu qabtay Tehraan.


Hadalsame Media