Waa kee Horyaalka haysta 3-da weeraryahan ee ugu goolasha badan Yurub?

0

(Hadalsame) 11 Agoosto 2018 – Horyaalka heerka koowaad ee kubadda cagta Talyaaniga ee Serie A ayaa haatan haysta 3-da weeraryahan ee Yurub ugu goolasha badan, kuwaasoo kala ah: Cristiano Ronaldo, Gonzalo Higuain iyo Edin Dzeko.

Serie A ayaa oodda laga qaadayaa todobaad-dhamaadka soo aaddan, waxaana sanadkan kusoo biiray CR7 oo Juventus ku yimid €100m iyo bareemiyo, waana ninka dhibcaha siinaya Serie A.

La Gazzetta dello Sport ayaa qiimeeyay goolasha ay dhaliyeen min 3 weerar oo kala dheela horyaallada waawayn ee qaaradda Yurub, waxaana koowaad cariirsaday Talyaaniga.

Ronaldo ayaa kaligii dhaliyay 395 gool, halka qannaaska cusub ee AC Milan ee Higuain uu dhaliyay 218, waxaana 3-daa buuxinaya hujuumka dhexe ee AS Roma ee Edin Dzeko oo dhaliyay 169 gool.

Taasi waxay Serie A siinaysaa gacanta sare waayo marka la isu geeyo waxay 3-daa laacib dhaliyeen 782 gool, waxayna ka sarreeyaan La Liga oo 732 ah, Bundesliga oo 544 maraya, Premier League oo 528 taagan iyo Ligue 1 oo ay 3-da ugu sarreeysaa dhaliyeen 436 gool.

Tusaale, 3-da ugu goolal badan La Liga waa Lionel Messi (383), Luis Suarez (179) iyo Karim Benzema (170).

Horyaalka Premier League waa Sergio Aguero (217), Jermain Defoe (162) iyo Pierre-Emerick Aubameyang (149) gool.

Claudio Pizarro ayaa ah ninka ugu goolal badan Bundesliga isagoo ansixiyay 194 gool. waxaa xiga Robert Lewandowski (180) iyo Mario Gomez (170).

Ligue 1 waxaa ugu sarreeya Edinson Cavani (228), Radamel Falcao (107) iyo qannaaska Nice iyo Talyaaniga Mario Balotelli (101).

Hadalsame Media