DAAWO: Dayuurad lala soo fakaday oo wacdaro ka dhigtay Maraykanka & miigag lagu cayrsadey! (Maxay se ku dambaysay?)

0

(Seattle) 11 Agoosto 2018 – Dayuuradda Horizon Air Q400, oo duulaysay iyadoo aan rukhsad ka haysanin dadka ku qaybsan koontoroolka hawada ee Seattle Airport ayaa muddo ku ciyaaraysay hawada iyadoo markii dambena dhacday, jeer la kiciyay ugu yaraan laba miig oo ah F-15 si uu u qabto.

Waxaa la sheegay in “makaanik u shaqaynayay shirkad dayuuradeed oo aan la carrabaabin” uu dayuuraddan kasoo xaday Seattle-Tacoma International Airport, sida uu sheegay sheriff-ka Pierce County oo hadlay. “[Ninkani wuxuu] samaynayay dhaqaaqyo aysan dayuuraddani ka bixi karin, ama waxaa ku yarayd aqoonta duulinta” isagoo marayay hawada Ketron Island.

Dayuuraddan ayaa waxaa cayrsanayay laba miig oo F-15 ah kuwaasoo laga soo kiciyay Taliska Cirka Hawada Woqooyiga Ameerika ee North American Aerospace Defense Command si ay arrintan ula xaalaan.

Waxaana dayuuradda baxsadka ahayd la hadlay qaybta koontoroolka hawada ee garoonka Seattle oo ku wargelinayay inuu ka fogaado faras-magaalaha iyo garoonka, wuuna ka aqbalay isagoo aan gelin khadadkii ay ku socdeen dayuuradihii ka duulayay iyo kuwii imanayay, balse markii dambe wuu ridey dayuuraddii, iyadoo loo badinayo inuu ku dhintay.


Hadalsame Media