MAANTA OO KALE: 11 sano ayaa laga joogaa dilalkii Cali Iimaan & Mahad A Cilmi + Sida ay wax u dheceen (Goobjoog gacan 1-aad ah)

0

(Muqdisho) 11 Agoosto 2018 – Waxay ahayd subaxnimo sabti ah Abaara 7:15 Aroornimo, 11, Agoosto 2007, waxaan Ifka Xalan Shampoo uga degey Bas aan ka soo raacay Black Sea, waxaan u soo degdegayey shaqadayda, waxaa Bas kale ka degey Mahad Axmed Cilmi iyo Saynab Abuukar, hal mar ayaan afka saarnay Wadadii Idaacadda HornAfrik ee jid cadaha Deegaanka Ciise Cabdi, waxaa sheeko noo bilaabay Mahad, waxa uu nooga sheekeeyey sidii shalay (10/08/2007) loola dhaqmay Weriyaashii Idaacadda Shabeele oo maalintaas dhamaantood intii Xarunta loogu yimid lagu xiray Saldhigga Degmada Hawlwadaag.

Iyadoo sheekadu meel fiican noo marayso ayaa waxaa hal mar naga soo dul dhacay afar nin oo dhalinyaro ah, mid ka mid ayaa Bastoolad madaxa kala dhacay Mahad Axmed Cilmi, hal mar ayaan cagaha wax ka daynay aniga iyo walaashay Saynab Abuukar, isla markiiba gadaal ayaan soo eegay Mahad dhulka ayuu yaalaa, dhalinyaradiina waxay afka saareen dhinaca bari ee miisaanka dhuxusha, waan soo laabtay waxaan lugaha isugu duwey saaxiibkey Mahad oo maskaxdiisu qubanayso, markiiba waxaa iigu yimid Weriyaal kale oo qaarkood nadaba socdeen qaarkoodna Idaacada kasoo baxeen. Waxaana mahad loo qaaday Cusbataalka Madiina. markiiba qaar ka mid ah Shaqaalaha ayaa suuxay oo la rusheeyey, qaar baa ooyey qaana waa amakaageen.

Anigu waan ka haray sababtoo ah maskaxdaydu ma fadhin, waxaan is lahaa sidee maanta haddii la shaqeeyo u shaqayn doontaa, markiiba waxaa xaaladda loo sheegay Agaasime Cali Iiman, waxa uuna amray in Idaacdda la damiyo, waana uu yimid, waxaan wada galnay shir anigoo madluun ah. Cali waa uu hadlay waxa uuna yiri. “Mahad waa dhintay, Alaha u naxariisto, waxaad ogaataan in qof walba oo naga mid ahi uu dhimanayo” waa uu sii hadlay oo waxa uu yiri. “Waxay doonayeen kuwa diley iney na aamusiyaan laakiin aamusi mayno” . intaa kadib waxa uu magacaabay gudi qaabilsan aaska marxuumka waxaana gudoomiye looga dhigay Saciid Tahliil.

Xaaladaydu oo aan caadi ahayn waxay xoogaa caadi ku soo laabatay markii Cali yiri qof kasta oo naga mid ahi waa dhimanyaa, meel ayaan iska fariistay, waxaana la diyaariyey Maydka Mahad Abaara 12:00, waxaan ka baxnay Idaacadda aniga iyo koox kale oo uu ku jiro Cali Iimaan, waxaan tagnay Cusbataalka oo ay nooga horeeyeen dadwaynihii Magaalada oo aan is iri cidi ma maqna, dadku iyagaa is xil qaamay oo wata Gaadiidkooda, waxaa xitaa ku jirey Caruurta Iskuulada Muqdisho qaarkood oo dareeskoodii wata, waxaan soo qaadnay Maydka Mahad waxaana Janaaso kula dukaney Masjidka Sheikh Cali Suufi, Aniga iyo Cali Iimaan qofna nooma dhexayn, waxa uu godku ka qodnaa Qabuuraha Barakaat, waxaan jidka Warshadaha uga dhacnay Kulliyadda Jaale Siyaad, waxaan soo aasnay saaxiibkey Mahad, markii la aasay Cali Iimaan ayaa la hadlay Madaxdii Warbaahinta oo duugta joogtey waxayna ku heshiiyeen in Idaacadaha la damiyo mudo sedax berri ah.

Waxaan ku soo laabanay Wadadeenii inagoo aan mooral hayn, mar aan marayno meel dhexe oo aynaan soo gaarin Cusbataalka Carafaat ayaan maqalnay Qarax, waxaaan soo eegay gadaal maadaama Qaraxu iga dambeeyo, waan naxay waxaana aan u qaatay in la qarxiyey Bas wayn oo ay saaraayeen gabdho badan oo ciyaal iskuul ah, waan soo orodnay aniga rag kale oo aan ka xasuusto Cabdi Yare Ciye iyo New-york, waxaaba la qarxiyey Baabuurkii uu saarnaa Agaasime Cali Iimaan, waa soo bixinay waaba mayd, dhulka ayaa la dhigay qof walba hortiisa ayuu u dhadhaaqay isagoo dhabanada haysta, waxaa kaloo la yaab ahayd in aaney wax sidaasi ahi gaarin dadkii baabuurka la saarnaa sida Darwalkii Duguf, Falastiin Iimaan iyo Sahal oo Weriye Soomaali kanadiyaan ahaa una shaqaynayey Routers.

Inagoo amakaagsan ayaan gaarigii aan la socdey soo saarnay maydka Alaha u naxariistee Cali Iimaan Sharmaake, waxaan keenay xaruntii Idaacadda oo aan inagoo wada fayow Maanta lix saac kawada baxnay. Halkaas ayaan maydkii Agaasime Cali Iimaan uga tagnay inagoo ku ballanay in subaxdii la aaso laakiin kuma aynaan heshiin halka lagu aasayo.

Waxaan ka baxay Xerada Abaara 5:00 Galabnimo anigoo niyad jabsan, waxba aanan cunin maanta oo dhan, la yaaban wixii dhacay, ka fekeraya sidii aan yeeli lahaa. Waxaa jiry xiligaaas Talefoono tayo leh, waxay ahayd Maalintii iigu horaysey ee dabku iga dhaco wicitaan dadwayne owgiis, daal I hayey dartiis ayaan meel ku dhacay, waxaana aan ka soo toosay maalintii dambe 11:00 Barqanimo, waxaa la ii sheegay in Cali iimaan lagu aasay Qabuuraha KM 13. Si kastaba, waxay ahayd Maalin aan xusuustayda ka go’in. oo aan ku waayey saacado kooban Agaasimahaygii Cali Iimaan iyo saaxiib aad iigu wayn Mahad Axmed Cilmi, dhowr jeer waan ka hadlay laakiin waa markii iigu horaysey ee aan dhacdaas sidey u dhacday wax ka qoro.

W; Q: C/Naasir Iidle.

Hadalsame Media