Inter Milan oo ay 24 saac ka xigi karto go’aan helitaanka Luka Modric (Maxaa socda?)

0

(Madrid) 09 Agoosto 2018 – Ugu yaraan 24 saacadood oo kale ayay Inter ku qaadanaysaa inay sugto Luka Modric, si ay u ogaato waxa kasoo bixi kara kulanka Modric iyo madaxwaynaha Real Madrid ee Florentino Perez.

Modric oo si rasmi ah ugusoo laabtay tababarka, ayaa la sheegayaa inuu u guuxey aragtida Inter Milan oo ula diyaar ah 10 milyan oo mushaar ah sanadkii, isagoo doonaya inuu tacabur cusub ka bilaabo Talyaaniga, balse Real ayaa iyaduna ku dalaalaysa inay laacibka ceshato iyadoo u diyaar ah inay mushaarkiisa gaarsiiso 12 milyan oo euro, waloow la sheegayo in Modric uu mar hore go’aan gaarey.

Wax kasta waxay ku xiran yihiin hal kulan. Kulanka lagu go’aaminayo aayaha Luka Modric ayaa lagu wadaa inuu dhoco berritoole oo Jimce ah, waxaana dhici karta in la qanciyo oo uu joogo iyo in uu soo afjaro 5 sano oo uu joogey Real, lana qaaday 4 Champions League, si uu u rogo bog cusub.

Hadalsame Media