Chelsea oo u jawaabtey Liverpool (Waa maxay?)

0

(London) 09 Agoosto 2018 – Chelsea ayaa rikoor kula wareegtay gool-hayihii kooxda Athletic Bilbao, Kepa Arrizabalaga, kadib markii ay ku iibsatay 71 milyan oo gini, taas oo ahayd lacagtii heshiiskiisa lagu burburin karay.

Marka laga soo tago in uu noqday ciyaaryahankii ugu qaalisanaa taariikhda kooxda Chelsea, haddana wuxuu noqday gool-hayhihii adduunka ugu qaalisanaa.

Allison Becker, oo Liverpool bishii hore Roma kaga iibsatay 66.8 milyan oo gini, ayaa rikoorkan heystay kaliya 20 maalin.

Alisson ka hor, Waxaa rikoorkan gool-hayaha ugu qaalisan adduunka 17 sano oo u dhiganta 6225 maalin heystay, Gigi Buffon, oo 2001-dii kooxda Juventus ay 53 milyan oo Yuuro kaga iibsatay kooxda Parma.

Su’aali waxay ka taagan tahay in goolhaye Kepa uu u qalmo lacagtaas?

Ibraahim Pippo

Hadalsame Media