DAL CIIDAN & CIIRSI LA’AAN AH: ”Somalia waa sida adigoo doofaar daahirinaya!” – Gaashaanle Ugandese ah (Maxaa Somalia la gudboon?)

0
Somali National Army soldiers, some pretending to hold a weapon, take part in a training exercise on March 28, 2013, at the AMISOM Jazeera Training Camp on the outskirts of Mogadishu, Somalia. (Phil Moore/AFP/Getty Images)

(Hadalsame) 09 Agoosto 2018 – Todobaadkii tegey Golaha Amaanka ee QM ayaa go’aan aqlabi ah ku meel mariyay in sharciyadda AMISOM ee Somalia ka gaarsiiyo ilaa Maajo 2019, balse waxaa weli jirta hubaal la’aan ku hareeraysan sida ay Somalia amaan ahaan uga kaban karto marka ay ciidamada Afrikaanka ihi dalka ka baxaan.

“Somalia waa sida adigoo doofaar daahirinaya,” ayaa lagasoo xigtey mid ka mid ah saraakiisha Uganda ee ka tirsan AMISOM, kaasoo ah gaashaanle la hadlay warqaadka Foreign Policy. “Waad nadiifinaysaa, balse wuu sii wasakhoobayaa.” ayuu ku dooday, isagoo Somalia ku misaaley Afghanistan oo haddii ay ciidamada isbahaysigu ka baxaan ay la wareegayaan Daalibaan sida uu qabo.

Somalia oo sanadkii 11-aad oo xiriir ah kaalinta 1-aad ka ciriirsanaysa dalka dunida ugu musuqa badan sida ay qabto Transparency International, ayaa waxay dhibaato ka taagan tahay sidii loo dhisi lahaa hay’ado dowladeed oo shaqaynaya ama wada shaqaynaya.

Warbixinta ay qortay Foriegn Policy waxaa la gu sheegay in Somalia oo mar lahaan jirtey ciidamo la oran jirey ”Libaaxyada Afrika” aysan ciidankoodu haatan haysanin adeegyada asaasiga ah sida raadiyaha, jaakadaha rasaasta celiya, koofiyo iyo rasaas ku filan. ”Qaarkood dacas bay ku howlgalaan” ayuu leeyahay.

Waxaa sidoo kale jirta isbarbaryaac iyo nidaam la’aan ka jirta qaabka loo dhisayo ciidamo Soomaaliyeed oo leh awood midaysan iyo talis dhexe, tusaale ahaan, Turkigu wuxuu ciidan ku tababaraa Muqdisho, waxaa sidoo kale halkaa xero ciidan ku lahaa Imaaraatka oo Abriil laga eryey, Ingiriisku wuxuu xero ku leeyahay Baydhaba, Maraykanku wuxuu xero kale oo uu ku tababaro Danab ku leeyahay Balli Doogle, Midowga Yurub gaar buu wax u tababaraa, sidoo kale dalalka deriska ayaa kuwa kale tababara, waa xaalad foowdo ah.

“Reer Galbeedku waxay tababareen seddexda ciidan ee dunida ugu xun: Ciidanka Ciraaq, Ciidanka Afghanstan, iyo Ciidamada Somalia,” ayuu yiri Stig Jarle Hansen, oo xiriirka caalamiga ah ka dhiga Norwegian University of Life Sciences.

Eedda 1-aad waxaa iska leh Soomaalida oo aan wax qorshe ah iyo rabitaan ka lahayn inay dhistaan dal ay ku midaysan yihiin, gaar siyaasiyiinta dowladda dhexe iyo kuwa maamul-goboleedyada oo si ula kac u xagal daacinaya dadaallada socda si ay risiq uga raadiyaan silaca umadda.

“In la dhiso SNA waxay u muuqataa muhiimad ay wadato Beesha Caalamku, marka loo eego Siyaasiyiinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri E.J. Hogendoorn, oo ah agaasime xigeenka barnaamijyada Afrika ee International Crisis Group.

Arrinta ku aaddan jiritaan la’aanta rabitaan dhab ah oo ku aaddan xoreeynta dalka ayuu Foriegn Policy ku eedaynayaa ganacsatada, hay’aadka isgaarsiinta iyo xawaalahada, iyo xitaa siyaasiyiinta iyo howlwadeennada dowladda dhexe oo uu sheegay inay doonayaan in uusan isbedelin wadciga foowdiga ah ee haatan jira.

“Shaki kama qabo in Al-Shabaab ay xitaa ku dhex jiraan Dowladda Federaalka ah ee Somalia iyagoo laba dhinac u shaqaynaya (double agents),” ayuu yiri afhayeenkii hore ee Wasaaradda Amaanka Abdulaziz Ali Ibrahim oo waraysi siiyay FP. Waana arrin keenaysa halis amaan oo aad u ballaaran.

Daacad la’aantaasi iyo hoggaam xumida Somalia ku habsatey waxay dhashay in hanti badan lagu farroqo ciidamada AMISOM oo laftoodu ka mid ah kooxaha ka macaasha masiibada ka jirta dalka, iyagoon Beesha Caalamka ula tegin wax qorshe ah oo dhab ah oo lacagahaasi wax looga siinayo ciidamada dayacan ee SNA.

Tusaale ahaan, QM waxay $900 milyan ku bixisay kaalmada AMISOM, iyadoo $720 milyan oo kale ku bixisay xafiiskeeda Muqdisho ee UNSOM. 2016 waxay EU AMISOM bishii siinaysay $23 milyan oo doollar, iyadoo $35 milyan sanadkii u siinaysay tababarka oo qura.

Bishii Abriil 2017 waxaa markii ugu horreeysey London lagu saxiixay heshiis aad loogu hanwaynaa oo la yiraahdo ”Hindisaha Amaanka Qaran” ama “national security architecture”,balse waxba kama soo naasa caddaan.

Hussein Sheikh Ali, oo ah asaasaha Hiraal Institute, oo ah hay’ad amaanka ka tala bixisa oo Muqdisho saldhigata, wuxuu sheegay inaysan jirin ”rabitaan siyaasadeed run ah” oo lagu hirgelinayo qorshahaasi, waayo dad badani waxay macaash ku qabaan xaaladda iminka taagan mana doonayaan dowlad dhexe oo adag. ”Qof qof aaminsani ma jiro” ayuu yiri Husein.

Si kastaba, dowladda iminka jirta oo sanad iyo bar sii caga-cagaynaysa waxaa laga doonayaa inay ka baxdo xaaladda fadhiidka u eg ee ay haatan gashay, isla markaana ay la timaaddo qorshayaal dhab ah oo lagu dhiso ciidamada Somalia, kuwaasoo ay maalmihii hore aad u hadal haysay, balse kaddib si tartiib ah u shiiqay, waayo haddaysan dhisin ciidanka millateriga dalka, si ka duwan dowladihii ka horreeyay, ma jiri doonto wax badan oo ay uga duwanaan doonaan dowladihii ka horreeyay. Ciidan la’aan dal Somalia la yiraahdaa ma jiri doono.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Somali soldiers patrol Sanguuni military base south of Mogadishu, Somalia, on June 13, where African Union Mission to Somalia (AMISOM) and about 500 American forces support the Somali National Army in counterterrorism operations. (MOHAMED ABDIWAHAB/AFP/Getty Images)

Hadalsame Media