Canada oo go’aan aysan jeclaysanin ka qaadatay ardayda Sucuudiyaanka ah ee dalkeeda wax ka barta!

0

(Ottawa) 09 Agoosto 2018 – Ardayda Sucuudiyaanka ah ee wax ka barta Jaamacadaha Canada ayaa loo qabtay 4 todobaad oo ay boorsooyinkooda ku xirxirtaan dalkana uga baxaan, sida ay sheegeen laba nin oo u hadlay jaamacadaha dalakasi.

Madaxwayne xigeenka Jaamacadda University of Toronto jaalle Joseph Wong ayaa tibaaxay in ardayda Sucuudigu ay heleen xog ku saabsan inay haystaan muddo bil ah oo uga guuraan dalka Canada, xitaa haddii aysan dhamaysanin waxbarashada.

“Weligay arrintan oo kale horay uma arag, balse waa la wargeliyay ardaysa,” ayuu Wong u sheegay The Canadian Press.

Waxaa dalka Canada wax ka barta ilaa 15,000 arday oo Sucuudiyaan ah oo deeqo waxbarasho dalkaasi ka helay.

Hadalsame Media