Haweenay sab dhigtay si ay u sumayso XIDIDKEEDA & malaha intii taqaanney!! (Maxay qoonsatay?)

0

(Khalapur) 07 Agoosto 2018 – Haweenay Hindi ah ayaa wajahaysa xukun dil ah kaddib markii ay sumaysay xididkeeda oo ay waliimo yar u dhigtay, iyadoo ka cabanaysa inay muddo badan ku caaynayeen midabkeeda oo woxoogaa madow xigeen ah.

Haweenaydan oo 23-jir ah laguna magacaabo Pradnya Survase ayaa xabsiga loo dhaadhiciyay, ka gadaal markii ay sunta cayayaanka ugu qooshtay cuntada dalkaa caanka ka ah ee ‘dal’, taasoo ay u qaybisay 120 qof 18-kii Juun.

Vishwajeet Kaingade, oo ah dembi baare sare oo ka tirsan saldhigga booliiska Khalapur, ayaa yiri: “Pradnya waxay ku doodaysaa in labadii sano ee guurkeeda, ay si joogto ah u aflagaadayn jireen reerka wiilka ay u dhaxdo, iyagoo ku caaynaya midabkeeda iyo inaysan si wanaagsan wax u karin aqoonin.”

Martidii ay sabta ugu yeertay ayaa markii ay cuntada ka dhergeen waxay bilaabeen lalabbo ama laqanyo, matag iyo calool xanuun, waxaana 90 ka mid loola cararay isbitaalka, halkaasoo ay 4 carruur ihi markiiba ku go’een.

Saraalka Kaingade, ayaa yiri: “Pradnya waxay xididkii ay ciilka u qabtey ku kala sheegtay, Sindhu Survase, ninkeeda Suresh Govind Survase, dumaashiyaalkeed Ujwala Pawar iyo Jyoti Ashok Kadam, sodohdeed Sarita Mane iyo ninkeeda Sarita Subhash Mane oo ay xitaa ku eedaynayso inuu garaaci jirey,”.

Waxay haatan wajahaysaa ciqaabta madaniga ah midda ugu adag oo ah dil toogasho ah.

Hadalsame Media