DEG DEG: Madaxwaynihii hore ee DDSI oo la qabtay!

0

(Jigjiga) 07 Agoosto 2018 – Wararka inaga soo gaaraya dalka Itoobiya waxay sheegayaan in madaxweynihii shalay xilka ka degay ee dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ay ciidammada militariga federaalka la tageen.

Balse dad ku sugan Itoobiya ayaa inoo xaqiijiyay in Cabdi Maxamuud cumar la qabtay.

Ilaa hadda lama garanaya halka ay u kaxaysteen ciidammada militariga, iyadoo warar aan la xaqiijini ay xitaa sheegayaan inay rasaasi dhacday.

Shalay ayay hayd markii madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu xilka iska casilay.

Waxaa madaxweynaha cusub loo magacaabay Axmed Cabdi Sheikh Maxamed.

Hadalsame Media