Mateo Kovacic oo saacadaha soo aaddan ku biiraya koox wayn oo ka dhisan EPL

0

(Madrid) 07 Agoosto 2018 – Maurizio Sarri ayaa haatan qosli kara kaddib qamuunyadii ka qabsatay Community Shield, iyadoo sida uu qorayo Marca, ay Chelsea in yar uun u jirto inay la wareegto adeegga laacibka Real Madrid ee Mateo Kovacic.

Madaxwaynaha Florentino Perez ayaa go’aansaday inuu xoojiyo rabitaanka laacibkan Croatian-ka ah ee khadka dhexe oo codsaday in la fasoxo haddii uusan helayn boos joogto ah.

Laacibka ayaa xitaa gaarey heer uu sheego inuusan tababarka iman doonin haddii aan la fasixin, wuxuuna haatan bilaabay tababar u gaar ah oo aanay shuqul ku lahayn kooxda Real, kaddib markii uu maqlay inuu u dhow yahay kooxda Chelsea.

Saacadaha soo socda ayaa la sheegayaa inuu ku wajahan yahay kooxda reer London.

Hadalsame Media