Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay khasaaraha weerarkii maqaayada Somali Coffee

0

(Muqdisho) 06 Luulyo 2018 – Maamulka gobolka banaadir ayaa hadal kasoo saaray weerarkii xalay ka dhacay goob maqaayad ah oo dadku ka cunteeyaan oo ku taala wadada maka almukarama.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Dheere oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay qaraxa  ka dhacay maqaaxida Somali Coffee oo ku taalla wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Shaneemo Somali.

Wuxuu sheegay Afhayeenka inay ku geeriyoodeen ilaa Afar qof oo uu ku jiro ninkii gaariga kaxeynayay, halka ay ku dhaawacmeen ilaa Todobo qof oo kale oo dhammaantood shacab ahaa.

Waa qaraxii ugu horeeyay ee magaalada Muqdisho ka dhaca tan iyo markii ciidanka Boolis Millataria lagu wareejiyay ammaanka magaalada Muqdisho, kadib markii la xareeyay ciidankii nabad sugidda.

Tiro dhaawacya qaba ayaa jiifa isbitaalka banaadir, halkaas oo loogu samenayo daryeel caafimaad , si xaaladooda loola tacaalo.

Hadalsame Media