AQRI: Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somalia oo war kasoo saartay weerarkii lagu qaaday Wasiir ku Xigeenkeeda

0

(Muqdisho) 05 Agoosto 2018 – Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysey isku daygii lagu xeri lahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, iyaga oo ku eedeeyey Xeer ilaalinta iyo Hantidhowrka dowladda inay baal mareen qaanuunka dowliga.

Hadal saxaafadda loogu talagalay oo ay Wasaaradda Soo saartay ayaa lagu sheegey in dhammaan eedeymaha hantidhowrka iyo xeer ilaalinta ay u jeediyeen Wasiir xigeenka arrimaha dibedda inay yihiin kuwa aan sax ahayn.

Waxaa qoraalka lagu sheegay in aysan wax musuq-maasuq ah ka jirin xarunta wasaaradda, iyaga oo si kulul u cambaareeyey falki ciidanka amniga loo adeegsaday.

Hadalsame Media