Aqri: Dadka ookiyaalaha qaata oo ka caqli badan kuwa aan wadan !

0

(Muqdisho) 06 Luulyo 2018 – Daraasad Ingiriis ah oo dhawaangal ah ayaa daahrogtay in dadka ookiyaalaha indhaha qaataa  ay ka caqli badan yihiin asaagood.

Cilmi-baarayaal ka tirsan jaamacadda Edinburgh ayaa baaritaan ku sameeyay xogta  genetic-ka dad ka badan 44,480 qof.

Cilmi-baarayaashu waxey heleen in dadka caqliga lagu yaqaanno 30% ay lahaayeen genetic tilmaaameysa iney u baahan yihiin ookiyaale akhris si ka badan kuwa ka garaadka hooseeya.

Daraasaddan ayaa lagu faafiyay Journal-ka Nature Communications, sidaas oo kale waxaa lagu daahroga in  genetic garashada ay kaalin muhiim ah ka ciyaarto hagaajinta caafimaadka wadnaha iyo xididada dhiigga.

Dr Gail Davies oo ka tirsan xarunta “Congnitive Ageing iyo Cognitive Epidemiology” ee jaamacadda Edinburgh oo hoggaaminayay cilmi-baaristan ayaa yiri: “Daraasaddan, waa tii ugu ballarneyd ee laga sameeyo genetic garashada, waxaa lagu xadiday kala duwanaanshiyo genetic ah oo keena in la kala dhaxlo xirfadda (thinking skills) ku saabsan fikirka.

“In la daahrogo saameynta genetic-ga uu ku leeyahay caafimaadka iyo garaadka, uu keeni karo in la daahrogo waxyaabaha saameeya kala duwanaanshiyaha dadka ay ku kala duwan yihiin thinking skills.”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Ka qeybgalayaashii daraasaddan ayaa waxaa loo qeybiyay dhowr kooxood, waxaana la marsiiyay dhowr imtixaan oo ku saabsan dhanka fikirka oo darajoojin lagu bixinayay. sidaas oo kale waxaa la marsiiyay baaritaanno genetic ah oo la baaray DNA-dooda.

Hadalsame Media