Ingiriiska oo durba eeday ka bixitaankii uu ku fududaaday ee Midowga Yurub (Maxaa taagan?)

0

(London) 03 Agoosto 2018 – Britian ayaa dhax maquuraneysa hirar culeys badan kuwaas oo ku aadan qorshaha ay yurub kaga baxeyso kuwaas oo aan iminka xal loo heyn iyada uu waqtiga soo kulaalayo.

Bisha Maarso ee sanadka 2019 ayaa ah waqtiga loo qabtay in Britian ay si rasmi ah uga baxdo midoowga yurub balse arintaan ayaa culeys xoog leh ku heysa britian.

Midoowga Yurub ayaa iminka dhoosha ka qoslaya waxaana hada horyaala Britian in ay yurub ka baxdo iyada oo aanay jirin wax xal ama heshiis dhanka gabacsiga ah ama in ay dib u dhigto qorshaha ilaa sanadka 2020.

Madaxa Bankiga England Mark Carney ayaa sheegay in ay u muuqato in Yurub laga baxayo iyada oo aan xal la heyn.

Baanka England ayaa kordhiyay lacagaha dulsaarka waxaana aad hoos ugu dhacay qiimaha lacagta Britian ee giniga.

Hadalsame Media