HIGUAIN: ”Ka tegitaanka Juve uma xanuun badna sida tii Napoli.” ”Waxaan doonayaa inaan sanadkanba koob ku guulaysanno” – Caldara + Sawirro

0

(Milano) 03 Agoosto 2018 – Labada laacib ee Higuain iyo Caldara ayay maanta u ahayd maalin mashquul badan, iyagoo duhurkii ka bilaabay Mundo Milan, kaddibna 14:00 shir jaraa’id oo lagusoo bandhigayay ka qayb galay, kahor intaanay 16:30 taageerayaasha ku salaamin Piazza del Doumo.

Gonzalo Higuain oo la hadlay Sky Sports ayaa yiri: “Chelsea Sarri unbaa i doonayay, balse halkan Milan qof kasta ayaa i doonayay, waana waxa i dhiirri geliyay. Ka tegitaanka Juventus, wuu iiga xanuun yar yahay midkii Napoli. Leonardo markiiba waannu is af garannay”.

Mattia Caldara oo isna Sky Sports u warramay ayaa yiri: “Taariikhda Milan iyadaa iskeed u hadlaysa, waxaa kooxdan soo marau daafacyada ugu adag sida Maldini, Nesta iyo Thiago Silva. Markii ay Milan isoo wacday maya ma oran karin, waxaan doonayaa inaan wax ku guulaysto, waxaana rajaynayaa inay sanadkanba dhacdo“.

Hadalsame Media