DAAWO: Saxaafadda oo hadal haysa dhallinyaro madow ah oo nin caddaan ah ku jeedlaya jidadka Barcelona

0

(Barcelona) 03 Agoosto 2018 – Waxaa soo baxaya muuqaal laga noxo oo muujinaya dalxiise Maraykan ah oo lagu jeedlayo jid ka mid ah magaalada Barcelona.

Ninkan oo da’ dhexaad u muuqda ayaa waxaa helay koox ciyaal foowdo ah oo madow ah, kaddib markii uu isku dayay inuu kala dhex galo oo kala hadlo sida la yiri haweenay ay aflagaadaynayeen meesha la yiraahdo Plaça de Catalunya.

Waxaa muuqaalka ka muuqda ninka oo 45-jir lagu qiyaasay oo ay eryanayaan dhallinyaradu kuwaasoo feer, haraati, jeedal iyo waxyaabo kale iskugu darayay.


 

 

 

Hadalsame Media