HESHIIS DHACAY: SuperSport oo sanadkan qaatay qandaraaska baahinta Serie A + Sawirro (Gotv oo isna soo duwaya)

0

(Johannesburg) 03 Agoosto 2018 – Daawatada horyaalka Talyaaniga ee bartamihii 90-meeyadii ee dhanka Afrika waxay indhaha ku kala qaadeen SuperSport oo tebinaya ciyaaraha Talyaaniga, haatan waxaa dib usoo laabanaysa xusuustaas.

iHilinka ciyaaraha baahiya ee SuperSport iyo Serie A ayaa gaarey heshiis, taasoo ka dhigan in fasal-ciyaareedkan 2018-19 horyaalka Talyaaniga oo furmaya Axad 19 Agoosto 2018 laga daawan karo SuperSport.

Gideon Khobane, oo ah Xoghayaha Fulinta SuperSport oo hadlayay ayaa yiri: “Waxaannu had iyo goor daawatada ugu yaboohnaa ciyaaraha ugu wanaagsan dunida, in uu Serie A shaashadeheenna kusoo noqdana, waxay ka tarjumaysaa ballanteennaas.”

Gaetano Miccichè, oo ah madaxwaynaha Lega Serie A, ayaa isna yiri: “Waxaannu ku faraxsan nahay heshiiskan oo SuperSport u saamaxaya inay tebiyaan dhamaanba 380 kulan ee horyaalkeenna, waxaana soo dhowaynaynaa in ay taageerayaasha deggan dhulalka ka hooseeya Saxaraha Afrika ay ka heli doonaan xiddigaha Serie A.”

Horyaalka Talyaaniga oo la dhisay 1898-kii, ayaa waxaa haatan ku hardama kooxood isagoo ka mid ah horyaallada ugu wanaagsan dunida, laguna tilmaamo mid ugu sarreeya dhanka taatikada iyo xeesha kubadda.

“MultiChoice waxay ku faraxsan tahay inay daawatadeeda u keento ciyaaraha caalami ee ugu fiican, tanina waxay qiime dheeraad ah ku kordhinaysaa xirmooyinka aannu macaamiisha u hayno.” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee MultiChoice Africa, Brand De Villiers isagoo sheegay in DStv iyo Gotv laga baahin doono 380-ka kulan ee Serie A.

Horyaalka Talyaaniga oo u muuqda mid kasoo kabanaya hoos u dhicii ku yimid 10-kii sano ee ugu dambeeyay ayaa sanadkii tegey ee 2017/18 muujiyay isbedel, iyadoo horyaalka ay ilaa dhamaadkii iskula dhegganaayeen Juventus iyo Napoli, halka boosaska Yurub ee CL & EL iyo boosaska heerka 2-aad u laabanaya sidoo kale aad loogu hardamay, tusaalena waxaa u ah Lazio iyo Inter Milan oo maalintii ugu dambaysay ku kala baxay booskii ka harsanaa CL.

Hadalsame Media