Hiil-walaal ma hilmaami Doonnaa?

0

(Hadalsame) 03 Agoosto 2018 – Dowlada Jabuuti iyo madaxwaynaheeda Ismaaciil Cumar Geele waxaan leenahay raali ahaada. Abaalka loo galay doqon baa iloowdee.

Xornimadi Jabuuti, Soomaalidu waxa ay ka gaysatay gacan aad u wayn sababtuna waxa ay ahayd in aan nahay dad walaalo ah.

Soomaaliya markii ay burburtayna waxa u istaagay illaahay ajar wayn haka siiyee Ismaaciil Cumar Geele oo shirar badan Soomaalida u qabtay si ay u midoobaan Soomaalidu dowladna ay u dhistaan.

Hadaba Jabuuti waxa aan isku leenahay Sadex xaq

1. Xaqa Muslinimada
2, Xaqa Soomaalinima ama walaalnimada
3. xaqa Jaarnimada

Hadaba aad ayaan uga xumahay in dadka walaaleheen ee reer jabuuti ay dad kale la simaan, sida Ereteriya oo aan ognahay in ay yihiin dadka dagaalka ka wada magaalada Muqdisho.

Maxaa naga dhexeeya Ereteriya? Waxba!

Dad yar baan isku diin ka nahay, jaar ma nihin oo xabashidaa inoo dhaxaysa, isku dadna ma nihin, dilka iyo qarxinta ayay noo qaabilsan yihiin iyo in ay dadkeena gumaadaan.

Reer Jabuuti waa Soomaali waxa ayna ka mid yihiin dadka Soomaaliyeed marka yaan loogu gefin magaca qaranka Soomaaliyeed, Waa dadkii aan xorayn lahayn iyaguna na xorayn lahaa e. Soomaali baan nahay.

Qore: Sahra Daahir Mire.

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan.

Hadalsame Media