MAXAA MUQDISHOOY KU HELAY? Yaa mudan in wiilka LA DILEY magaciisa la xuso & in mujrimka diley lasoo XIRO oo la xukumo?

0
Sawirka: Midnimo

(Hadalsame) 03 Agoosto 2018 – Waxaa shalay magaalada Muqdisho lagu diley wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Shiikh Cali (Dable Bayloot) oo aan dabcan ahayn qof qaali ah oo aan waxba galabsanin oo la iska dilo, sida ay u badan tahayna aan kii ugu dambeeyay noqon doonin.

Isla marka uu soo boxo war dhiilla leh oo khuseeya dilal fara badan oo guud ahaan ka dhaca Somalia, gaar ahaanna ay ugu daran tahay Muqdisho, waxaa markiiba la raaciyaa, halkudheg quus ah marna ma dhalays ah, marna kiiskaba soo xiraya ka hor inta aan la furin, kaas oo ah ”Gacan ka xaq daran baa dishey.”

Yeelkeede, markan xaalku taa wuu ka geddisanaa, oo dad badan baa baraha bulshada ku faafinayay hal cabasho oo ah oo ah in aan Raysal Wasaare Xasan C Khayrre uusan Twitter-ka ku xusin magaca wiilka dhintay, taasoo ay xitaa rag siyaasiyiin ah oo ka jawaabayay u laqinayeen inay ahayd inuu sidaa yeelo.

Arrintaas dad badan baa u arkay wax aan daruuri ahayn oo aan waxba ku kordhinaynin xallinta dhibka taagan, seddexdan sababood dartood:

1 – Waa mare wiilka la diley wuxuu u baahan yahay in loosoo qabto daalimkii dulmiga ku diley, taas ayaa ah midda ay ku degi karto niyadda ehelka, asxaabta iyo inta magaalada Muqdisho ku noolba.

2 – Haddii RW Khayrre wax la waydiinayo ma aha in la waydiisto inuu Twitter ku qoro magaca wiilka dhintay, ee waa in la waydiistaa waxa ku dhacay amaankii uu xilku ka saarnaa ee dadka ku nool magaalada, maxayse tahay tillaabada xigta ee la qaadayaa si cadaaladda loo oogo.

3 – In qofka dhintay uu caan yahay ama uu qof caadi ah yahay muhim ma aha, waxa muhimka ihi waa inuu qof kastaahi cadaalad helo, oo lala dagaallamo lagana dagaallamo cadaalad darrada, lala dagaallamo kuwa indhaha ka ridaya bulshada ee uu ujeedkoodu iska muuqdo, lala dagaallamo wax kasta oo dhiirri gelinaya tacaddi ku dhaca qof kasta, heerkuu doono qiyamkiisu ha joogee.

Ugu dambayn waxaa muhim ah in hay’adaha amaanku ay beddelaan hab-dhaqankooda oo ay sida dunida u shaqeeyaan oo ay ka hor tag iyo ka daba tag intaba sameeyaan, oo ay dadka la wadaagaan cidda ka dambeeysa khalkhalka amaan ee soo laalaabta, iyo sababta maalin kasta loo dilayo qof caadi ah oo iska shaqaysanaya.

Sidoo kale, madaxdu waa inay dejiyaan istaraatijiyado lagu sugi karo amaanka hantida iyo dadka Soomaaliyeed ee maaha inay baaqyo soo saaraan ama Twitter ku tacsiyeeyaan.

Sawirka: Midnimo

Hadalsame Media