Heshiis 6 qodob ah oo kasoo baxay kulankii Garoowe

0

(Garoowe) 03 Agoosto 2018 – Shirka golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah iyo wasiirrada dawlad gobaleedka Puntland oo uu shir-gudoominayay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa (Khamiis 2-da Agoosto 2018), ka qabsoomay xarunta Puntland ee Garoowe.

Shirka ayaa looga dooday qodobbo ay ka mid yihiin; xoojinta midnimada, wada shaqaynta wasaaradaha federaalka iyo Puntland iyo qodobo kale, waxaana lagu heshiiyay:

1 – Waxaa la bogaadiyay wada shaqaynta wasaaradaha federaalka iyo Puntland, waxaana la soo jeediyay talooyin ku aaddan sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta labada dhinac.

2 – Waxaa la isku afgartay in la baahiyo hannaanka afarta tubood (1- Tubta siyaasadda loo dhan yahay 2- Tubta amniga iyo caddaaladda 3- Tubta dhaqaalaha iyo 4- Tubta Arrimaha bulshada) oo ah hannaan ay xukuumadda federaalku ku shaqeyso si loo dardargeliyo dib u dhiska dalka.

3 – Dardargelinta daadejinta nidaamka Federaalka iyadoo la tixraacayo dastuurka iyo heshiisyada qaybsiga awoodaha iyo kheyraadka.

4 – In si wadajir ah loo ilaaliyo midnimada dalka.

5 – Golaha wasiiradu waxa ay aqbaleen in ay ka qayb qaataan dabbaaldegga munaasabadda 20 sano guurada ka soo wareegtay aasaaska Puntland oo la qaban doono 3da bisha Agoosto 2018.

6 – Ra’iisulwasaaraha iyo wafdigiisa ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo madaxda dawlad gobaleedka Puntland soo dhawaynta hufan ee loo sameeyay.

Hadalsame Media