Jabuuti oo lagu ridey xukun aysan jeclaysanin!!

0

(London) 03 Agoosto 2018 – Maxkamadda dhexdhexaadinta caalamiga ah ee London ayaa go’aan ka gaartey dacwaddii u dhexaysay Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Shirkadda Dubai Ports World ee dalkaasi Imaaraatka.

Maxkamadda ayaa xukmisay inuu shaqaynayo heshiiskii u dhexeeyay labada dhinac ee ay dawladda Jabuuti ka baxday lix bilood ka hor.

Maamulka Dekedaha ee Jabuuti ayaa se go’aankan ganafka ku dhuftay oo iska diidey, sida lagasoo xigtey Maareeyaha dekadaha Jabuuti Abubakar Cumar Xaddi.

Hadalsame Media