DEG DEG: Mattia Caldara oo kasoo degey Milano (Daawo)

0

(Milano) 02 Agoosto 2018 – Waxaa isna gegada Milano ee Malpensa soo caga dhigtay daafaca Mattia Caldara oo xalay kasoo duulay Maraykanka, halkaasoo uu kula sugnaa kooxda Juventus oo ka qayb qaadanaysa International Champions Cup.

Gaashaankan 24-jirka ah ayaa ku wajahan ‘La Madonnina’ si looga qaado tijaabada caafimaadka, wuxuuna durba la hadlay mikrofoonnada Premium Sport: “Waan ku faraxsan ahay inaan halkan imaado. Waan is maqalnay Gattuso iyo saaxiibadaydii hore ee Atalanta. Weli ma go’aansanin lambarkii aan Milan u qaadan lahaa, balse waa wax xiise badan inaan ka garab dheelo Romagnoli» ayuu yiri.

”Caldara waa mid naga mid ah” ayay ku xadreeynayeen taageerayaal xamaasadaysan oo hor taagnaa Clinica La Madonnina.

Caldara oo uu aad u doonayay Leonardo ayaa waxaa la dhaafsaday kabtankii Milan ee Bonucci oo isna mar dhow ka degey Torino, waxaana kabtanka cusub ee Milan laga dhigay Alessio Romagnoli.

Hadalsame Media