DABIN DAYMEED: Dalka Jabuuti oo safka hore ka galay dalalka u qaamaysan Shiinaha (Maxaa ka dhalan kara?)

0

(Jabuuti) 02 Agoosto 2018 – Dal weynaha shiinaha ayaa la sheegayaa in uu wadamada saboolka ee dhaca Africa iyo Asia uu ku harqinayo deyn aan xad laheyn taas oo horseedi karta in ay la heyste u noqdaan.

Ilaa sideed dal ayaa la sheegay in ay dhax yuuraraan dabinka deymaha ee shiinaha kuwaas oo ay ku adagtahay in ay sahal isaga bixiyaan maalka ay halhaleelka u qaateen jamhuuriyada Jabuuti ah dalka ugu danbeeyay ee ku dhaca dabinka shiinaha waxaana dalkaasi uu yahay kan qaatay deymaha ugu badan.

Jabuuti ayaa iminka ku dhax jirta badweynta deymaha ee shiinaha waxaana tani ay keeni kartaa in jabuuti noqoto dhibane shiinuhu isticmaalo

Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media