RW Somalia Xasan C Khayrre ee Puntland ku wajahan

0

(Muqdisho) 26 Luulyo 2018 – Raysal Wasaaraha Somalia ee Xasan Cali Khayrre ayaa markii ugu horreeysay booqanaya dowlad-goboleedka Puntland.

Raysal Wasaaraha ayaa booqasho ku kala bixin doona magaalooyin ka tirsan gobolkaasi sida Garoowe oo ah caasimadda, Qardho oo ah rug dhaqan iwm.

Booqashada RW Khayrre ayaa haddii aanay wax iska bedelin ku beegan 29-ka Luulyo ilaa 3-da Agoosto, isagoo inta uu halkaa joogo ka qaybgelaya munaasabadda aalaaba lagu maamuuso aasaaska maamulkaasi ee 1-dii Agoosto 1998-kii.

Hadalsame Media