XOG: Safiirro cusub oo la magacaabay

0

(Muqdisho) 26 Luulyo 2018 –  Waxaa la sheegayaa in la magacaabay danjirayaal cusub kuwaasoo ay ku jiraan rag caan ka ah saaxada siyaasadda dalka, sida aannu warar hoose ku heleeyno.

Danjirayaashan cusub oo aan la carrabaabin dalalka ay Somalia ku meteli doonaan ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Nuur Tarsan, Cabdirisaaq Axmed Sh. Maxamed Shoolle oo ah ku xigeenka agaasimaha madaxtooyada iyo Cabdullaahi Maxamed Odawaa ayay Golaha Wasiirradu ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen inay safiirro noqon karaan.

Dalka Somalia ayaa u baahan in loo dejiyo siyaasad arrimo dibadeed ku fadhida istaraatijiyad la haadiyay oo ka tarjumaya danaha qaranka ee dalka uga xiran shucuubta caalamka, balse weli ma caga dhigan arrintaasi, waloow ay dadaalayayaan dowladda iminka jirta iyo kuwii ka horreeyay.

Hadalsame Media