RASMI: Leonardo oo dib ugusoo noqday AC Milan

0

(Milano) 25 Luulyo 2018 – AC Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday Leonardo uu noqonayo Agaasimaha Guud ee kooxdaasi.

Brazilian-kan ayaa dib ula midoonaya Rossoneri oo usoo ciyaaray, soo tababaray isla markaana agaasime isboorti usoo noqday, isagoo ku dambeeyay Paris Saint-Germain oo uu isla xilkaa u hayey.

Tan iyo markii ay Elliott Management ay Milan kala wareegtey milkiilihii hore ee Yonghong Li ayaa la hadal hayey soo noqoshada Leonardo taasoo iminka rumoowdey.

Hadaldame Media