QISO DHAB AH: Way i sirtay e illeen waa LA QABAA!!! (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 25 Luulyo 2018 – Akhristayaasheyda sharafta badan ee la socday sheekooyinkeyga waxaan usoo bandhigayaa sheekadaan la magac baxday WEY ISIRTAY ILEEN WAA LA QABAA!!!!!!!! oo ah runtii qiso dhab ah oo ka dhacday magaalada Nairobi ee xarunta Kenya waa qiso aan is leeyahay waa ay xiiseyn doonaan akhristayaasha haddaba waxaad kaga bogan doontaan Hadalsame Insha ALLAAH.


Waa casar liiqad qorraxdu baalka sii dhiganeyso waxaan ka soo baxay shaqadii aan aroornimadii hore galay waxaan dareemayay daal xooggan, saanta ayaan hoos ka boobayay, badi dadku waxay albaabada u laabayeen goobahoodii shaqada.

Cabbaar kolki aan sii socday oo aan ku dhawahay hoygi aan degganaa ayaa waxaa si kedis ah iiga soo hor baxday ruux haween ah oo xiran xijaab iyo shareer, “Sallaamu caleykum” ayay markiiba igu salaantay “Wacaleykum assalaam waraxmattulaah” ayaan uga qaaday !!!!!!!!!! “iska waran Saxardiid” ayay markiiba ii sii raacisay ana waxaan u daba dhigay “waan fiicnahay walaal ee sidee tahay” “aad baa lo fiican yahay ,haddee waxaan filayaa waad i garan la,dahay” inta i tiri ayay qosolna sii raacisay”`haah kuma garan walaal inta iri ayaan u sii raacay waa tuma ? ……!!!!! Aniga maad i garanweyday waa gabadhii waris ahayd ee shalay galab lacagta 1000ka doolar ah aad siineysay xawaaladda ee mar kastana lacagaha kaa qaadata , intaa marki ay tiri ayaan fahmay “ii waran waris see tahay walaal sow lama fiicna” ayaan ku iri.

Cabbaar ayaan halkii taagneyn oo aan istaag ku sheekeysanaynay, waxay meel sheedda ah iga tustay guriga ay deggan tahay ,telefoonkeedana waa ay ii qortay cabbaar ka dib hadii aan sheeekeysanay ayaan is macsamlaameynay marki aan wax yar ka si dhaqaaqay ayay misana ii yeertay Saxardiidoow? “!!!!!!!!!!………Walaal caawa ma is heli karnaa” ayay itiri ana waxaan ku dhahay “abbaayo caawa waan daallanahay shaqa badanna waa ii taalaa lakin ka waran habeen dambe waa sidee haddaad iiga dhigtid inta qososhay ayay i tiri” waa tahay walaal macaan dhib malahan, waana ku soo wacayaa”.

Habeenkii oo dhan waxaa maskaxdeyda ka go,i waayay hadalladii gabadhu ay i lahayd ee ahaa waan kuu baahanahay ee walaal goormeen kulannaa, run ahaantii waxay igu noqdeen hadalladaasi kuwo ka degi waayay laabteyda, maxaa yeelay kama aanan filayn gabadhaan hadalladaas iyo waliba sidaan kediska ah ee ay arimahaan ii horkeeneyso.

Waris waxaan ku bartay halka aan ka shaqeeyo ee xawaaladda ah inti muddo ahna waxay ka mid ahayd dadka macaamiisha la aha xawaaladda, waxayna ka mid ahayd dadka sida joogtada ah lacagaha loogu soo diro. Waa gabar kaftan badan oo bashaash ah, waligeed ma dhicin in ay i weydiisay halka aan degganahay iyo waliba teleefankeyga, laakiin wax waliba waa ay dhici karaan, waxaan niyadda ku dejiyay la arki doonee waxa ay ku saabsanaan doonto sheekada qaaska ah ee ay kuu ballamisay.

Siddeeddii fiidnimo iyo qaddar daqiiqado ah ayaa waxaan soo istaagay meel aan sidaas uga fogeyn waddada loo yaqaano 12street ee ku taala xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Easleigh Nairobi, halkaas oo ay ballantu ahayd inaan isa soo taago, cabbaar haddii aan taagnaa halki ayaa waxa meel dhinaceyga ah iiga yeeray nin taxi driver ama taksiile madow ah Kuja happa ……..Waa socotaaaa la soco qeybta 2aad iyo Talaadada insha allaahu.

La soco qaybta 2-aad…

W/Q: Abdisamad Abdulkadir Farah (Hanad)..
Email:- Cabdisamad111@gmail.com

Hadalsame Media