Dalal isku eedeeynaya inay CALAMADA kala koobiyeeyeen!

0

(Wellington) 25 Luulyo 2018 – Xiriirkii sokeeyenimo ee mar debecsanaa ee dalalka deriska ah ee Australia iyo New Zealand ayaa dil-dillaac yeelanaya kaddib markii uu Raysal Wasaara NZ uu Aussies ku eedeeyay inay koobiyeeyeen calankooda – isagoo weliba ka dalbaday inay beddelaan.

New Zealand ayaa afti ay 2015 dadkeeda ka qaadday maya ku codaysay inay beddesho naqshadda calankeeda, sida ay inay ka tuurto qaybta uu ka saaran yahay calanka UK ee loo yaqaan Union Jack.

Waxaannu leenahay calan aannu muddo dheer sidanney – kaasoo ay minguurisey Australia waase inay beddelaan,” ayuu soo jeediyay RW NZ ee Winston Peters oo la hadlay Television New Zealand, oo ay soo xigatey Reuters.

Wuxuu warkani imanayaa xilli ay xiisadi ka taagan tahay xiriirka labada dalm iyadoo ay Australia sii waddo musaafuris ay ku samayso muwaadiniinta New Zealanders-ka iyadoo u cuskanaysa inay ku dheceen imtixaanka dabeecadda iyo dad la dhaqanka, sida lahaanshaha diiwaan dembiile, meel ka dhacyo jinsi oo uu ku lug yeesho, tahriibin iyo wax kasta oo muujinaya liidanaan dhanka dad la dhaqanka ah.

Labada calan ee dalalkan ayaa aad isu shabbaha waayo waxay wada xitaan ‘Union Jack’ oo muujinaya inay yihiin mustacmarad hore oo British ah, kana tirsan yihiin Barwaaqa Sooranka Commonwealth. Farqiga qura ee u dhexeeya waa inay New Zealand 4 xiddigood leedahay, halka Australia ay leedahay 6 xiddigood oo ah nooca loo yaqaanno ururka koonfure.

Hadalsame Media