QIR & QIR: ”Ma adiga ayaa shidaal i siinaya?” – Turkiga oo Maraykanka ka diidey go’doominta Iiraan!

0

(Ankara) 25 Luulyo 2018 – Turkey ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu xiriir wanaagsan lasii lahaado dalka Iiraan oo uu saliid badan oo ceeriin kasoo iibsado, iyadoo uu madaxwayne Recep Tayyip Erdogan uu diidey inuu xiriirka u jaro dal uu ku tilmaamo “jaal istaraatiji ah”.

“Iiraan marna waa deriskeenna, mana waa noo jaal istaraatiji ah,” inaan xiriirka ugu jarno siyaasadda duulduulka badan ee Maraykankuna waxay kasoo hor jeedda “fahamka aannu ka haysanno madax banaanida,” ayuu yiri Erdogan oo mar dhow hadlayay.

Horraantii bishan bay ahayd, markii uu Maraykanku wacad ku maray inuu kordhiyo cadaadiska dhaqaale ee uu sanado badan ku hayey dalkaasi Iiraan, isagoo markan bartilmaameedsanaya tamarta Tehraan sida saliidda “si dakhliga ku dhowaad eber loogu dhoweeyo,” ayaa laga qoray Brian Hooks, oo ah ninka Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaybsan qorshaynta siyaasadda oo hadlayay laba todobaad kahor.

Warka Erdogan oo kale waxaa horay Talaadadii usii sheegay Wasiir Dibadeedka Turkiga ee Mevlut Cavusoglu. “Waxaannu la kulannay wefdi Maraykanka ka socda, waana u caddeeynayn inaynaan ka qayb qaadan doonin cunaqabataynta ka dhanka ah Iiraan,” ayuu Cavusoglu wardiyeenka maxalliga ah ugu sheegay mar uu ku sugnaa magaalada Bodrum. “Waajib naguma ah inaan xushmayno cunaqabatayn uu Iiraan dal kale kusoo rogey.” ayuu raacshey.

Maraykanka ayaa sanadihii dambe sanka la raacayay maamulka Ankara, isagoo ku eedaysan inuu xitaa ka dambeeyay isku dayga af-gembigii dalkaasi ka dhacay.

Hadalsame Media