Arsenal oo ka hadashay in Ivan Gazidis uu ku biirayo AC Milan

0

(London) 25 Luulyo 2018 – Guddoonka Arsenal ee Sir Chips Keswick ayaa war kasoo saaray xogaha Agaasimohooda Fulinta ee Ivan Gazidis la xiriirinaya AC Milan oo la sheegay inuu kooxdaa ku biirayo Sebtember.

“Waannu ka war qabnaa wararka la isla dhexmarayo ee ku hareeraysan Ivan Gazidis. Waxaan kaloo ognahay inuu dalabyo ka haysto ururro gudaha iyo dibedda ah waayo waa nin aad loo qiimeeyo.

“Weligii se ma aqbalin fursadahaas, waxaana ka go’an inuu la sii joogo Arsenal, isagoo haatan si adag uga shaqaynaya Singapore oo la shaqaynayo macallinkeenna cusub ee Unai Emery si loo diyaariyo fasalka cusub.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Gunners.


Hadalsame Media