JUVENTUS VS BAYERN MUNICH: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Philadelphia) 25 Luulyo 2018 – Kooxda Juventus ayaa kulankeedii ugu horreeyay ee micne leh caawa ciyaaraysa saacadda Yurubta Woqooyi marka ay ku beegan tahay 1:05, goortaasoo ay isku taageeyso turuqyo adkayaasha Jarmanka ee Bayern Munich.

Labadan camaaliqo ayaa isku fara saaraya gegada Lincoln Financial Field oo ku yaalla magaalada Philadelphia ee caasimaddii hore ee Maraykanka, waxaana dabcan kooxda Bianconero ka maqan Cristiano Ronaldo, waxaase wada diyaar ah xiddigaha cusub ee Perin, Caldara Emre Can iyo Cancelo.

Labada kooxood ayaa kusoo wada gelaya shax isku nooc ah oo ah 4-3-3, ee hoos ka eeg.

JUVENTUS (4-3-3): Perin; De Sciglio, Caldara, Chiellini, Alex Sandro; Emre Can, Pjanic, Marchisio; Cancelo, Favilli, Bernardeschi.

Kaydka: Pinsoglio, Del Favero, Benatia, Rugani, Beruatto, Macek, Di Pardo, Fagioli, Fernandes, Kastanos, Clemenza, Beltrame, Pereira. Macallin: Allegri.

BAYERN MONACO (4-3-3): Ulreich; Rafinha, Stanisic, Javi Martinez, Bernat; Will, Renato Sanches, Batista Meier; Robben, Wagner, Ribery.

Kaydka: Johansson, Hoffman, Fruechtl, Alaba, Richards, Gnabry, Zylla, Shabani, Meier, Zirkzee, Coman, Wriedt, Zaiser, Jeong. Macallin: Kovac.

Hadalsame Media