WIILKA BIRTA AH: Fayaqabka Ronaldo oo ka MAAJIYAY dhakhaatiirta caafimaadka!

0

(Torino) 24 Luulyo 2018 – Jookarka Adduunka ee Cristiano Ronaldo ayaa fasal-ciyaareedka soo aaddan u safan doona kooxda Juve ee dalkaasi Talyaaniga, kuwaasoo uu u maray tijaabo caafimaad oo ay ka maagtey dunida caafimaadku.

CR7 ayaa af kala qaad ku ridey howl-wadeennadii caafimaad ee imtixaanka caafimaad ka qaadayay, tusaale ahaan, cufka murqihiisu waa 50% marka loo eego saamiga ay jirkiisa ka yihiin, halka laacibiinta kale celcelis ahaan aysan kor u dhaafin 46%.

Duxda jirkiisu waa 7%, halka ciyaartooyda ay badanaa tahay 10-11%, xawaarihiisu waa 33.98% oo km saacaddiiba, dhanka bootinta joogga ah, wuxuu labaaleeydii uu ka dhaliyay Juve dhulka ka kacay 2.3 mitir.

CR7 ayaa la sheegay in marka la eego fayaqabkiisa uu ka caafimaad badan yahay wiil 20-jir ah, tiiyoo uu haatan 33-jir yahay.

Hadalsame Media