ARAG SAWIRKA: Siraha ku qarsoon seex-seexadka Itoobiya + Sawirro

0

(Hadalsame) 24 Luulyo 2018 – Dad badan shaki baa uga jiray Game-ka cajiibka ah ee uu mandaqada ka ciyaarayo Reysalwasaare Abiy iyo isbadalada xowliga ku socda ee uu wado, inay yihiin kuwa naga da’ weyn oo aaney ku curan si sahal ah iyo laablakac,balse waxaa Xaqiiq ah inay sheekadu tahay mid laga soo abuuray meelo kale.

Sidoo kale maalmahaan waxaan arkayay doodo iyo falanqeyn dhowr ah oo laga yeelanayo Isbadalka ka spcda Ethiopia iyo saameynta uu ku yeelan karo Soomaaliya, waa goorma goorta lala hadaaqaayo sidaa iyo sidaa waa goor qorshihii oo dhameystiran laga hirgaliyay hareeraheena taladiina nalaku darsaday anagoo ka maqan madasha.

Waa hubanti in Game-kan iyo indha sarcaadka filan waaga ah ee ka socdo Ethiopia uu yahay mid ay shukaanta u heyso Siyaasiyiin dalaaliin ah & Ganacsato UAE ah oo raba inay markale shaar Ethiopian ah u soo gashadaan Dibin daabyeynta iyo duleysiga ilaha dhaqaale ee wadamada Geeska dhaca, maadaama ay ku fashilmeen isku daygoodii koowaad ee dekadaha Soomaliya taasina ay ku abuurtsy cadaawad gaar ah iyo sidoo kale dharbaaxadii kaga dhacday gacan ku heynta maarsadii Jabuuti taasina ay ku xambaartay inay Game-kan cusub ciyaaraan.

Hadaba, waxaan marna shaki ku jirin in Dowlada UAE oo dallaal uga ah wadamada reer Galbeedka badbaadinta Ethiopia inay iyaduna uga faaideysaneyso sidii ay mar un gacanta ugu wada dhigi laheyd dekedaha Soomaaliya, Asmara iyo Jabuuti, iyadoo ujeedkooduna yahay inay marka hore Jabuuti ka dhigaan sxb la’aan sida uu qorshaheedu yahay dabadeedna ay noqoto meel go’doon siyaasadeed iyo mid dhaqaale wajahda ilaa ay ugu dambayn madaxweyne Geelle ku kiciyaan duufaano mucaarad ah oo ka abuura qalalaaso siyaasadeed, waana tan hada hurdada ka toosisay hoggaanka Jabuuti.

Qowlaysatada UAE waxaan daah ka saarneyn inay danahooda siyaasadeed iyo kuwooda dhaqaale ay maanta si sahal ah uga fushan karaan wadamada Geeska Africa oo ay hadheeyeen qalalaaso siyaasadeed iyo mid dhaqaale, waana tan soo dedejisay isbedalada mucjisooyinka ah ee ka dhex socda Ethiopia iyo Eritrea laguna soo beegay xili ay labada dalba baahi weyn u qabaan xasilooni siyaasadeed, nabad ku wada noolaansho iyo dhaqaale abuur, inkastoo laga yaabo inay waqti qaadato is aaminaadooda 3-Geesoodka ah maadaama ay meesha ku jirto Eritrea oo ah dal aan ciyaar sahlaneyn oo muddo 18 sano ah dagaal, cagajugleyn iyo cunaqabateynba wax looga qaadi waayay.

Dhinaca kale, marka laga eego saameynta Soomaaliya iyo isbadalada ka socda wadamada Ethiopia iyo Eritrea waa wax iska cad in ay saameyn nagu yeelanayaan sida saameyn dhaqaale, mid nabadgalyo iyo mid siyaasadeed oo ah tan ugu halista badan hadii aan la helin siyaasiyiin iyo aqoonyahano Soomaaliyeed oo wadaniyiin ah oo Ciyaarta socota la dabaasha kana dabaasha, waayoo xikmad baa oraneysa:- ” Duufaanada Isbadaladu waa hirarka badda oo kale hadaad tiraahdo isla daad raaci waad ku lumeysaa, hadaad si xoog ah uga hortimaadana waad ku rafaadeysaa.”

WAXAAD MAANTA BI’SAAN BIRI HA U SHALAAYINA.!!

WAXAAD MAANTA BI’SAAN BIRI HA U SHALAAYINA.!!

FG; Sawirkaan miisaan hala saaro & sababta biladaha loogu raray labada Oday.!!!.

W; D: Cabdulqaadir Faarax (Dulyar)

Hadalsame Media