EELKA IMAARAATKA: Maxaad kala socotaa dhagarta loo maleegayo Soomaaliya & Jabuuti?

0

(Abuu Dabeey) 24 Luulyo 2018 – Sida uu qoray weriye Salmaan Jamaal Siciid, UAE Waxay ka dambaysay in ay heshiis qataan Dalalka Ethopia iyo Erateria waxay sidaasi u samaysay ayaa waxay tahay danaheeda ayay ka waysay Somalia iyo Djibouti.

UAE waxay doonaysaa in Gobolka in ay maamulaan Ethopia iyo Eriteria si ay danaheeda ay u fushato.

Somalia iyo Djibouti ayaa hada waxa kusoo wajahan Dagaal xoogan, iyadoo dagaalka wajigiisa kowaad uu ku wajahanyahay Djbouti oo la rabo in dhaqaalaheeda la curyaamiyo kadibna meesha laga saaro Madaxwayne Geele.

Eriteria Ciidanka ugu badan ayaa waxay keentay xadka Djibouti Waxana Ciidankaasi ay kasoo qaaday Xadka Ethopia ay la lahayd.

Sidoo kale UAE waxay kaloo dajisay qorshe Dawladda Somalia lagu burburinayo. Soomaalaay feejignaada!

Salmaan Jamaal Siciid

Hadalsame Media