ISKA JIR! ”Noocaaga kumannan sano ayaan soo arkaynay” – Iiraan ka jawaabtey hanjabaaddii Donald Trump

0

(Tehraan) 24 Luulyo 2018 Wasiirka Arrimaha Dibedda Iiraan ayaa Twitter-ka kusoo qoray war uu ku xifaalaynayo madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump oo maalin dhowayd dalkiisa u hanjabey.

Javad Zarif ayaa soo qoray: “Dunidu horayba waa usoo aragtay dhaar ka badan dhowr bilood ka hor. Iiraanna waa maqashay — waloow ay ahaayeen kuwo kaa ilbaxan — muddo 40 sano ah. Waxaan maqlaynay kun sanaale iyo dhicitaanka boqortooyin, kuwaasoo jirey in ka badan dalalka qaar. ISKA JIR!”

Warkan ayaa daba socda Madaxwaynaha Maraykanka oo shalay Iiraan ugu gooddiyay cawaaqib aan horay abid loo arag.

Hadalsame Media