Diyaarado duqayn ka gaystay qayba kamid ah Jubbada Hoose

0

(Muqdisho) 24 Luulyo 2018. Diyaaradaha Maraykanka ee caawiya Soomaaliya ayaa duqayn ka gaystay saldhigyo Al Shabaab ay ku leeyihiin Jubbada Hoose.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil ayaa xaqiijiyay in duqayn diyaaradeed oo dhinac socday dagaal  dhulka ah ay ku qaadeen  dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo ku sugan agagaarka  Buundada Araare.

“Waa duqayn cirka oo ay dhinac socdeen dagaal dhulka ah, isla markaana aan ugu jawaabayno  dagaalkii Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Baar Sanguuni ayuu u sheegay Radio Dalsan Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil.

Waxa uu ka gaabsaday in uu faah-faahin ka bixiyo khasaaraha ka dhashay duqeyntaas, isagoo sheegay in samayn doonaan baaritaano kala duwan.

Hadalsame Media